Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Dowladda Soomaaliya oo Al-Shabaab ku eedeysay inay ku howlan yihiin jarista Dhirta

Wasiirka Ddegaanka iyo Isbadalka Cimilada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Khadiija Maxmed Al-Makhzumi oo sheegtay in Al Shabaab ay Mustaqbal la’aan dhigayaa Jiilalka soo socda.

Wasiir Khadiija ayaa tiri “15kii sano ee la soo dhaafay Al-Shabaab waxay Jaridda Malaayiin Geed oo ay dhuxul u bedeleen kadibna u dhoofiyeen dalka dibaddiisa, si ay ugu maalgeliyaan dagaallada iyo qaraxyada ay ku dilaan dadka, tallaabadan waxay lama degaan u rogtay dhul ballaaran oo markii hore keymo, Dhul-daaqsin iyodhul-beereed ahaa, lafdhabarna u ahaa wax soo saar dalka”.

Ugu dambeyn Wasiir Khadiija Al-Makhzumi ayaa tilmaantay in ujeedka  Al-Shabaab uusan ku koobneyn  dhibaateynta dadka hadda nool oo kaliya, balse ay mustaqbal la’aan dhigayaan jiilalka soo socda, sidaas darteedna loo baahanyahay in loo midoobo ka xoreynta dadka iyo deegaanka.

Exit mobile version