Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Dowladda Shiinaha oo taageeraysa geedi- socodka nabadda Soomaaliya

Ergayga Shiinaha ee Qaramada Midoobay (UN) ayaa Talaadadii ku baaqay in la joogteeyo nabada  iyo dadaalka Soomaaliya loogu doonaayo in sanadkaan doorasho uga dhacdo iyo sidoo kale adkeynta ammaanka guud dalka Soomaaliya.

“Geeddi-socodka nabadda ee Soomaaliya ayaa galay kaalin muhiim ah  doorashooyinka in la qabto sanadkan waan ku faraxsanahay ” Wu Haitao, Ku xigeenka wakiilka Shiinaha ee Qaramada Midoobay, ayaa  ka sheegay  kulanka golaha amaanka ee ku saabsan Arimaha Soomaaliya.

Dowladda Shiinaha ayaa waxay diyaar u tahay in ay Soomaaliya ka taageerto arimaha amniga iyo geedi-socodka doorashooyinka sanadkaan la filaayo in lagu qabto Soomaaliya ayuu hadalkiisa ku sii daray wakiilka Shiinaha.

 

Dowladda Shiinaha ayaa ka mid ah dowladdaha taageera Soomaaliya.

Exit mobile version