Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Dowladda oo soo bandhigtay Dawooyin dhacay

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Dekeda Muqdisho kusoo bandhigtay Dawooyin iyo sidoo kale Bagaash dhacay.

Goobta Daawada  dhacday lagu soo bandhigaayay ayaa waxaa goob joog ahaa wasiirka Wasaarada Ganacsiga dowladda Soomaaliya iyo xeerilaaliyaha Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir.

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga dowladda Soomaaliya Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay gubi doonto dawooyinka dhacay ee maanta lagu soo Muqdisho.

Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la hubiyo badeecooyinka laga soo dejinaayo Dekeda magaalada Muqdisho.

 

Exit mobile version