Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Saraakiil Shabaab ah.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gaar ahaan Ciidanka Qeybta 27 aad ayaa howlgallo ka dhan Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada ayaa sigaar ah waxaa ay howlgallada uga fuliyeen degaannada Basra, Buulo-kuunte iyo deegaaano kale oo hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe kuna yaalla inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Balcad.

Saraakiil ka tirsan qeybta 27aad ayaa waxaa ay sheegeen in inta ay howlgalka wadeen ciidanka xoogga dalka ay qasaarooyin xoogan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab ayna bur buriyeen fariisimo ay la haayeen.

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen in howlgalka ay Ciidanka xoogga dalka ku dileen Xubno iyo Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab,.kuwaas oo ku sugnaa degaannada howlgallada laga sameeyay.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa muddooyinka ugu dambeeyay kor uqaaday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyagoo todobaadyadii ugu dambeeyay howlgallo isdaba joog ah ka sameeyay deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka shabeellaha dhexe kuwaasi oo ay kula wareegeen deegaanno dhowr ah.

Exit mobile version