Alle ha unaxariistee C/wali Ibraahim Nuur oo ahaa Taliyihii ciidanka Nabad Sugidda Gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa Xalay lagu dilay Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/Dhexe.
Dilka Taliyaha ayaa waxaa ka dambeeyay mid ka mid ah ilaaladiisa, waxaana la sheegay xilliga Taliyaha la dilaayay inuu ku sugnaa Xarunta Hay’ada Nabad sugida ee Magaalada Jowhar.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Cabdi Kaamil Shukri Macalin Xirsi oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xaqiijiyay in dilka C.wali Ibraahim uu ka dambeeyay mid kamid ah Illaadiisa, kaas oo baxsaday dilka kadib.
Afhayeenka, ayaa intaa ku daray in Xabsigaga loo Taxaabay Ilaaladii Taliyaha, Baarisna lagu hayo sida uu falka u dhacay iyo sababta uu u baxsaday ninkii dilka geystay.
Sidoo kale Masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegay iney socdaan baaritaano lagu doonayo in lagu soo qabto Askari dilka geystay.
