Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Dowladda oo howlgelisay sheybaar lagu hubinayo Tayadda Qalabka Dhismaha”Sawirro”

 Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska  ayaa waxaa ay Maanta xariga ka jartay sheybaar loogu tala galay in lagu hubiyo Tayadda Qalabka Dhismaha mudo 25  Sano ah ka dib .

Muddo ku dhow 2 sano ayay Wasaaradu waday dadaalada la doonayay in lagu hirgeliyo Sheybaarkaan.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Eng. Saalax Sheekh Cismaan ayaa sheegay in arintaani ay mudooyinkaanba ka shaqeynayeen ayna  Maanta  ku guuleysteen.

Sheybaarka ayaa ka kooban qeybo kala duwan oo ay kamid yihiin qeybtii lagu hubin lahaa Bulukeetiga iyo tayadiisa, qeybta loogu tala galay Shamiitadda inay tahay mid dhacday ama mid nadiif ah, Laamiga tayadiisa.

 

 

Exit mobile version