Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Doorashada kursiga Hop#058 oo ka bilaabatay Beledweyne

Magaalaada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa goordhow ka bilaabatay doorashada Kursiga Hop#058 oo ay ku tartamayaan 7 Musharrax.

Shalay ayaa qorshuhu ahaa inay dhacdo doorashada balse ay u baaqatay sababo la xiriira Amniga, waxaana musharrixiinta tartamaya kujira Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Amniga Magaalada Beledweyne ayaa aad loo adkeeyay, waxaana musharrixiinta ku tartamaya kursiga Hop#058 ay kala yihiin.

1: Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

2: En, Yoonis Maxamed Nuur.

3: Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

4:Cabduqaadir Xuseen Coloow.

5: Maxamuud Afdhuub Makaraan

6: Cabdullaahi Axmed Xuseen

7: Ubax Cali Sheegow

Exit mobile version