Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Galmudug iyo guddiga Maamulka doorashooyinka ee Beelaha Banaadiriga ayaa Maanta doorashooyinka kuraas kamid ah Golaha Shacabka ku qabanaya Magaalooyinka Muqdisho iyo Dhuusamareeb.
Guddiga doorashooyinka Beelaha Banaadiriga ayaa shalay soo geba-gabeeyay diiwaangelinta musharrixiinta Shanta kursi ay ku leeyihiin Golaha Shacabka, kuwaas oo doorashadooda Maanta la qabanayo, waxaana ay kala yihiin.
Hop#265 oo uu hadda ku fadhiyo lufti Shariif Maxamed Cumar.
2: Hop#266 oo ay ku fadhiso Biibi Khaliif Maxamed.
3: Hop#105 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo Jeylaani Nuur Iikar.
4: Hop#084 oo ay hadda ku fadhiso Fahma Axmed Nuur.
5: Hop#034 oo uu ku fadhiyo Khaalid Macoow Cabduqaadir.
Dhinaca kale Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Magaalada Dhuusamareeb ku qabanaya doorashada Afarta kursi ee ugu dambeeya kuraasta taalla Magaalada Dguusamareeb, kuwaas oo shalay la soo geba-gabeeyay diiwaangelinta musharrixiinta ku tartamaya, waxaana kuraasta la dooranayo iyo musharrixiinta ku tartamaya ay kala yihiin.
1: HOP#012 oo uu hadda ku fadhiyo Xildhibaan Yuusuf Xeyle Jimcaale , waxaana Maanta kau tartamaya isla Yuusuf Xryle Jimcaale & Caasho Cali Xabeeb.
2: HOP#048 oo uu ku fadhiyo dhowrkii sano ee la soo dhaafay Janeraal Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud balse loo bedelay Qoondo Haween, waxaana Maanta ku tartamaya Faa’iso Maxamed Jeyte iyo Dheyman Cali Xasan.
3: Hop#137 oo uu ku fadhiyo Saadaq Cabdi Kariin Xaaji Ibraahim, balse waxaa Maanta ku tartamaya Cabdirisaaq Aadan Warsame (Xusul) iyo Deeqo Maxamed Cabdalla.
4: Hop#071 ayaa waxaa markale ku tartamaya Wasiirka Dekadaha & Gaadiidka Badda Galmudug Cabdi Saabir Nuur Shuuriye oo kursigaan horay ugu fadhiyay & Saciid Khaliif Xersi.
Doorashada Soomaaliya ayaa la filayaa in todobaadyada soo socda ay ku socoto si dardar leh si ugu dambeyn loo soo geba-gabeeyo Bartamaha Bisha soo socota ee Maarso sanadkaan 2022.

