Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Dooni Ganacsi oo ku degtay Xeebaha Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ku degtay dooni Ganacsi oo u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed.

Doonida ku Degtay Xeebaha Magaalada Boosaaso ayaa lagu Magaacaabi jiray Alkhaadiri Waxaana ay kaTimid Dalka  Cumaan iyadoo Shixnad Ganacsi u Siday ganacsato Soomaaliyeed.

Sida ay Risaala u sheegeen dadka kunool Boosaaso Doonida ayaa ku degtay Qiyaastii meel 14 Mile uun u jirta Dekada Magaalada Boosaaso.

7 Qof ayaa laga soo badbaadiyay doonidaasi.

7-da Qof ee laga oo badbaadiyay Badda ayaa waxaa soo Helay Kallumeysato Ku suganeyd Xeebaha Magaalada Boosaaso iyadoo Qaar ka mid ah Xaaladoodu aad u Liidato Waxaana Lagula tacaalaya Isbitaalka Magaaalada Boosaaso.

Ciidanka Badda ayaa sidoo kale Baadigoobaya Shan qof oo wali lagu la’yahay badda.

Dadka lasoo badbaadiyay ayaa waxaa ku jira dad u dhashay dalka Hindiya.

 

Exit mobile version