Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Doon ay saaran yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan Hir-Shabeelle oo degtay

Wararka laga helayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in goordhow halkaasi ay ku degtay doon ay saarnaayeen Mas’uuliyiin katirsan Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle iyo Xubnaha Guddiga gurmadka fatahaadaha.

Doonta ayaa waxaa saaran Duqa Magaalada Baladweyne Safiya Sheekh Xasan Cali Jimcaalle, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdi Fitaax Xasan Afrax iyo Masuuliyiin kale,waxaana ay doonta ka raaceen Buunda weyn oo gudaha Magaalada baladweyne ah waxaana ay kusii jeedeen Deegaanka Ceel-jaale halkaas oo ay ku sugan yihiin kumanaan ruux oo ka baracay fatahaadaha Wabiga Shabeelle.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in haatan uu socdo dadaalo kala duwna iyo gurmad lagu soo badbaadinayo doonta ay la degtay mas’uuliyiin katirsan maamulka Hir-Shabeelle ee ka baxday Baladwyene kuna sii jeeday deegaanka Ceel-Jaale.

Warar qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in ay jirto dhimasho ka dhalatay doonta degtay oo ay saaran yihiin in ka badan 10 ruux oo mas’uuliyiin katirsan Maamulka hir-Shabeelle u badan.

Wararka kusoo kordha kala socda radiorisaala.com

Exit mobile version