Ciyaaryahanka qaranka Argentina iyo kooxda PSG, Angel Di Maria ayaa laga yaabaa inuu noqdo ciyaaryahanka xiga ee magaca kuleh qaarada Yurub ee u dhaqaaqa horyaalka Chaina ee Chinese Super League, kadib Oscar oo todobaaadkii hore ku biiray, sida uu sheegay L’Equipe ee kasoo baxa Dalka Faransiiska.
28-sano jirkaan ayaa raadinaya waddo uu kaga tago kooxda ka dhisan Ligue 1 ee PSG, iyadoona wakiilka ciyaaryahanka uu dadajinayo inuu ciyaaryahankan si deg-dega ugu dhaqaaqo Shiinaha.
Jorge Mendes oo ah wakiilka ciyaaryahankan ayaa wadahadalo la furaya kooxaha Chain aka dhisan, waxa ayna u bdan tahay in xidiga garabka ka ciyaara uu ka tago kooxda macalin Unai Emery.
PSG ayaa hadda shan dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka horyaalka heysa ee Nice, xilli ciyaareedka, iyadoona Di Maria uu dhaliyay kaliya hal gool 15 kulan uu u saftay xilli ciyaaredkan kooxda Ligue 1 ee PSG.
