Qaar ka mid ah jaamacadaha ku yaalla dalka Mareykanka ayaa bilaabay dhigista luuqada Soomaaliga oo ka mid ah luqadaha ugu caansan Qaarada Africa.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib marki ay soo bateen Soomaalida dalkan Mareykanka iyo xiiseynta qaar ka mid ah dadka Mareykanka oo raba inay bartaan dhaqanka iyo af Soomaaliga.
Jaamacaddaha dalka Mareykanka qaarkood ayaa waxa ay sheegeen in ay muhiim tahay in laga dhigo jaamacaddaha Luqadda Somaaliga maadaama ay jiraan dad badan oo wax ka barta Jaamacaddaha Mareykanka oo ku hadla Luqadda Soomaaliga.
Sidoo kale waxaa jira dad badan oo jecel in ay bartaan Luqadda Soomaaliga oo aan Soomaali aheyn.
Waxaa jaamacaddaha laga dhigaa Buugaag ay qoreen qaar ka mid ah Soomaalida aqoonyahanada ah ee kunool Mareykanka.

