Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO+SAWIRRO:- Wajigii 3-aad ee Barnaamijka Afuri oo maanta lagu Afuriyay 80 Qoys

Muqdisho-RisaalaFM- Deeqdii laga soo aruuriyay Dhageysatayaasha Idaacadda Risaala wajigii Saddexaad ayaa maanta lagu afuriyay qoysas gaaraya 80 ruux oo danyar ah, kuwaasi oo ah qoysaskii ka soo barakacay abaartii ku dhufatay Gobolada dalka Soomaaliya.

Deeq qaybinta oo laga sameeyay xero barakacayaal oo ku taalo duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa qoys kasta waxaa la siiyay Bur, bariis, Saliid iyo Timir, iyadoo dadkii la siiyay ay aad uga mahadceliyeen.

Agaasimaha Idaacadda Risaala, Ustaad Maxamed C/wahaab C.laahi ayaa sharaxaad ka bixinaya wajiga Saddexaad lacagta laga soo aruuriyay dhageysatayaasha Idaacadda Risaala iyo sida gurmadka loogu fidiyay qoysaskaan.

Sheekh Axmed oo ka mid ah culimadii ku sugnayd madashii laga qaybiyay Deeqda gurmadka, ah ayaa u mahad celiyay Idaacadda Risaala iyo dhageysatayaasheeda, wuxuuna ku dar daramay in markasta laga war hayo qoysaskaan liita.

Dadkii la siiyay deeqda Barnaamijka Afuri oo hel laba Ajar, ayaa waxa ay ka hadleen dareenkooda ku aadan raashinka Afurka ah ee loo qaybiyay.

Wajigii koowaad iyo Wajigii labaad ee Barnaamijka Afuri oo hel laba Ajar ayaa horey loogu afuriyay 120 Qoys, kuwaasi oo aan heysan wax ay ku afuraan.

Lacagta maanta dadkaan lagu afuriyay ayaa waxaa laga soo aruuriyay dhageystayaasha Idaacadda Risaala oo hal Dollar iyo Nus Dollar isku soo daray ku taburacay qoysaskaan.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/06/Warbixin-Faaiso-iyo-Barnaamijka-Afuri.mp3?_=1

 


Exit mobile version