Guddoonka Baarlamaanka ayaa soo saaray xeer ku saabsan Suggida xilheynta Xildhibaanada Baarlamaanka 2016 iyo 2020 iyo Buuxinta Kuraasta ka banaanaata Golaha.
Qodobada ku xusan go’aankan ayaa waxaa ka mid ah in Xildhibaanada Baarlamaanka ay keliya xilkooda ku weyn karaan qodobada soo socda.
- Xildhibaanka oo geeriyooda.
- Xildhibaanka oo ay la soo gudboonaato Xaalad xil gudasho la’aan oo joogto ah.
- Xildhibaanka oo qabta xil dowladeed oo aan ka ahayn kuwa golaha Wasiirada.
- Xildhibaanka oo istiqaalo u gudbiya golaha uu ka tirsan yahay lagana aqbalo.
- Ka maqnaasho labo Kalfadhi oo Caadi ah sidoo kalena ah joogto sabab la’aan.
Guddoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa Xildhibaanada ka hor aqriyay go’aanka iyo qodobada Dastuuriga ah ee ku xusan.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laalay go’aankii ka soo baxay Maxkamadda Sare Dalka, kaasi oo ku aadanaa in dib loogu laabto doorashada Sideed kursi oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka.

