Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Xukuumada oo guul muhiim ah ku tilmaamtay heshiis lagu gaaray Kismaayo

Wasiirka wasaarada Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo mudooyinkan ku sugnaa xarunta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa ka hadlay heshiiska halkaasi lagu gaaray ee dhexmaray maamulka Jubbaland iyo waliba siyaasiyiinta mucaaradka ku ah maamulkaas.

Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa waxa uu sheegay heshiiskaan mid muhiim ah oo ay soo dhaweyneyso dowladda,

Wuxuuna dhanka kale uu sheegay in heshiiskaan uu qeyb ka qaadanayo dagaalka ay dowladda kula jirto Al-shabaab.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo isna ka hadlay heshiiskaan ayaa waxa uu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan wasiirka uu kaga mahadcelinayo qeybtii uu kaga lahaa.

Qaar ka mid ah syaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo joogay heshiiskaan ayaa mudo dheer dhaliilsana madaxweyne Axmed Madoobe.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/03/War-Kaafi-iyo-Kismaayo-1.mp3?_=1
Exit mobile version