Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Xukuumada” Meel wanagsan ayay mareysaa wada shaqeynta hay’adaha dowladda”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo ka qeyb galay kulan xalay ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in ay meel wanaagsan mareyso wada shaqeynta u dhaxeysa Hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay si wanaagsan u wada xiriiraan Hay’adaha dowladda gaar ahaan baarlamaanka iyo xukuumada isla markaana ay si wanaagsan iskula shaqeeyaan.

Waxaana uu tilmaamay in ay ku dadaalayaan in ay sii wadaan xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya baarlamaanka iyo xukuumada.

Ugu dambeyna waxa uu xusay in xilligaan oo kale marka la gaaro ay is khilaafi jireeen hay’adaha Dowladda gaar ahaan baarlamaanka iyo xukuumada.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/03/War-Axmed-iyo-Xukuumada.mp3?_=1
Exit mobile version