Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xilligan dabagal lagu sameyn doono Hantida Qaranka uu lahaa maadaama ay ku bur bureen Dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka.
Wasiirka Wasaaradda Cadaalada ee dowladda federaalka Soomaaliya C/laahi Jaamac Ilka-jiir ayaa loo xil saaray in uu dabagal ku sameeyo Hantidii Qaranka oo ay lahaan jireen Wasaaradaha iyo sidoo kale Hay’adaha dowladda Soomaaliya si ay u fududaato daba-gelida Hantida Qaranka iyo in la hubiyo in si sharci ah loo isticmaalo..
Afhayeen xukuumada Soomaaliya C/casiis Cabdi Xaaji Goobdoon oo warbaahinta la hadlay ayaa sharaxaya arimahaasi.
Shalay ayay aheyd markii Wasiirka cadaaladda ahna gudoomiyaha gudiga badbadinta Hantida Qaranka uu Golaha u soo gudbiyay digreeto lagu keenayo Hantida ay lahaan jireen wasaardaha iyo hey’adaha dowladda.
