Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Xubno ka socday QM oo la kulmay masuuliyiin ka tirsan Jubbaland

Kismayo-RisaalaFM- Madax ka socotay Hay’adda cunada iyo Beeraha Qaramada Midoobay u qaabilsan ayaa waxa ay kulan la qaateen masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Maamulka Jubbaland.

Kulanka oo qaatay saacado ayaa waxaa inta badan looga hadlayay sidii loo caawin lahaa dadka ay Aaaaraha saameeyeen ee ku nool Degmooyinka iyo Degaanada Maamulka Jubbaland.

Sidoo kale kulanka waxaa lagu soo hadal qaaday kulanka dhexmaray labada dhinac in la caawiyo dadka Beeraleyda ah ee ku nool Degaanada Jubbooyinka.

Markii uu soo idlaaday kulanka ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maamulka Jubbaland Geelle Maxamed Aadan.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/05/Cod-geelle.mp3?_=1
Exit mobile version