Isbahaysiga Xisbiyada Soomaaliyeed ayaa dowladda ku eedeeyay inay faragalin ku hayso doorashada Sanadkaan la filayo inay dhacdo.
Isbahaysiga Xisbiyada Soomaaliyeed ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu gacanta ku haya guddiga doorashada.
Waxay Sheegeen in madaxda dowladda Soomaaliya ay doorashada gacanta kula jiraan sidaas darteedna aysan suurta gal aheyn in doorasho xor ah ay ka dhacdo Soomaaliya.
Isbahaysiga Xisbiyada Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay kasoo horjeesan doonaan guddiga Doorashada hadii madax ay ka noqdaan guddiga la taliyaasha madaxweynaha Soomaaliya.
