Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Xildhibaanada oo kordhinaya la Xisaabtanka Madaxda Qaranka

Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in ay kordhin doonaan isla xisaabtanka ay la yeeshaan Madaxda Qaranka dalka.

Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya Madaxda Qaranka oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirada ay si dhab ah ula xisaabtami doonaan, si wixii dhaca masuuliyadooda loo qaato.

Wuxuu sheegay in si sharci daro ah Dowladda Itoobiya loogu dhiibay Sarkaalka ONLF C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax, ilaa haddana aysan jirin cid qaadatay masuuliyadiisa.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Todobaadkan kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in ay sharci daro aheyd dhiibistii C/kariin Qalbi-dhagax, weli waxaa muuqata in aysan dhinac u dhicin arrinta Sarkaalkan.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/11/cod-1-Xildhibaan-.mp3?_=1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Exit mobile version