Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Xildhibaan Qoone oo ku baaqay in loo gurmado shacabka Beledweyne

Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim Qoone oo ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxa uu ka hadlay fatahaada Wabiga Shabeelle iyo Dagaalada maalmihii udambeeyay ka dhacayay magaalada Beledweyne.

Waxa uu sheegay in muhiim ay tahay in loo gargaar loo fidiyo dadka ay saameeyeen fatahaad Wabiga Shabeelle iyo dadkii ku barakacay dagaal beeleedyadii ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Maxamed Xasan ayaa dowladda Soomaaliya iyo hey’adaha gar gaarka ugu baaqay in si deg deg ah wax loogu qabto shacabka Beledweyne.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/05/Xildhiban-maxamed-xasan-ibraahim-qoone.mp3?_=1
Exit mobile version