Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Xildhibaan Maxamed Amiin”Odayaasha Hiiraan waxyaabaha ay tabanayaan ayan kala hadli doonaa”

Xidhibaan Maxamed Amiin Xasan C.laahi oo ka mid xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta isaga iyo xildhibaano kale waxa ay gaareen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Maxamed Amiin oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ayaa waxaa uu ka warbixiyay u jeedada ay u tageen

Beledweyne iyo sidoo kale Odayaasha iyo Waxgaradka ka soo jeeda  Hiiraan oo ka soo horjeestay shirka maamulka loogu sameynayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Waxaana sidoo kale uu sheegay Xildhibaan Maxamed Amiin Xasan uu sheegay in Odayaasha iyo Waxgaradka ay kala hadli doonaan waxyaabaha ay ka tabanayaan, isagoona intaa ku daray qaabka hada ay wax ku socdaan in waxyaabo badan ay ka qaldan yihiin.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/03/Wareysi-Xildhibaan-maxamed-Amiin-Cabdulaahi-Xasan.mp3?_=1
Exit mobile version