Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Xildhibaan ku baaqay in laga farxiyo ciida caruurta Agoonta ah

Xildhibaan Cali Ganeey oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka heysta lacagta looga baahanyahay  in ay ka farxiyaan Caruurta agoonta ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in Caruurtaasi laga farxiyo isla markaana farxada lala qeybsado Caruurta oo uu sheegay in ay niyada u dhiseyso taageerada kaga timaada shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Cali Ganeey ayaa tilmaamay in sidoo kale Madaxda Dowlada loogu baahan yahay in Ciidaan ay ilgaar ah ku eegaan caruurta agoonta ah.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku nool Caruur agoon ah oo labaatankii sano ee la soo dhaafay aabayaashooda ku waayay dagaaladii Sokeeyay ee ka dhacay Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa Magaalada Muqdisho ka socdo ololo ay wadaan Hay’ado ka shaqeeyaa gargaarka kuwaasi oo doonaya in sanadkaan ay si wanaagsan ugu farxiyaan caruurta agoonta ah.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/07/COD-Xildhibaan-Cali-ganeey.mp3?_=1
Exit mobile version