Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay ku taagan tahay maamulka Hirshabeelle.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Hirshabeelle dowladda Soomaaliya ay saartay cunaqabateyn dhaqaalle ,islamarkaana taasi ay tahay wax laga xumaado.
Muuse Suudi Yalaxow ayaa sidoo kale sheegay in wasiirada la siiyay Beeshiisa ay yihiin wasiiro aan wanaagsaneyn.
Waxaa uu xusay in ay muhiim tahay in dowladda Soomaaliya ay dib isugu laabato.
