Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Xildhibaan baaq u diray dowladda Soomaaliya

Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Madaxda Dowladda ugu baaqay in ay bilaabaan Barnaamijyo dib u heshiisiin ah.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay dib u heshiissiin Kaamil ah iney ka hanaqaado Dalka.

Waxa uu tilmaamay in Xildhibaan C/llaahi Sheekh in Madaxda Dowladda ee hada shaqeysa sidoo kale loogu baahan yahay in bilaha doorashada ka dhiman ay dalka ka dhaqan geliyaan dib u heshiisiin, Waxa uu xusay in shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin dib u heshiisiin kaamil ah maadaama muddo dagaal ay dalka ka dhacaayeen,

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Soomaaliya ayaa qaba aragtida ah in dib u heshiisiin kaamil ah laga dhaqan geliyo dalka iyo sidoo kale in la sameeyo Barnaamijyo lagu mideynayo dhamaan Shacabka Soomaaliyeed.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/08/COD-Axmed.mp3?_=1
Exit mobile version