Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Xiisad ka taagan gobolka Sanaag

Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan gobolka Sanaag oo ay shalay ku dagaalameen maamulada Puntland iyo sidoo kale Somaliland ayaa sheegaya in maanta halkaas ay ka taagantahay xiisad u dhaxeeysa labada maamul.

Dagaal culus ayaa shalay ka dhacay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Sanaag, kuwaasoo ay isku heystaan Puntland iyo sidoo kale Somaliland.

Xubin ka mid  ah baarlamaanka maamulka Puntland ayaa la sheegay in uu weli gacanta ugu jiro maamulka Somaliland.

Xaalada ayaa kacsan waxaa la sheegaya in labada dhinac ay wadaan gurmad .

Somaliland ayaa ku doodaysa in ay leedahay gobolka Sanaag,islmarkaana ay geynayso sanaadiiq codbixinta, halka maamulka Puntland ay aaminsan yihiin ay leeyihiin dhammaan degmooyinka gobolka Sanaag oo dhan.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/07/War-Kaafi-iyo-Sanaag.mp3?_=1
Exit mobile version