Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Xeer-ilaaliyaha ” Ciqaab ayuu muteysanaya qofkii lagu helo Musuq maasuq”

Xeer-ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in ay tilaabo ka qaadi doonaan cidii lagu helo in ay sameynaso musuq maasuq xiliga doorashada Soomaaliya.

Xeer-ilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay in ciqaab adag ay muteysan doonaan cidii lagu helo iyada oo lacago ku bixinaysa doorashada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in waxwalba oo ku saabsan musuq maasuq aan la ogoleyn xiliga doorashada , islamarkaana loo baahanyahay in la ilaaliyo xeerka dalka oo musuq maasuq aan ogoleyn.

Dabayaaqada sanadkaan ayaa lagu wadaa in ay doorasho ku dhacdo dalka , waxaana la dareemaya diyaar garowga ku aadan arintaasi.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/08/Cod-Xeer-ilaaliyaha.mp3?_=1
Exit mobile version