Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Xarunta Dhibu Raxma oo dib loo howlgeliyay (SAWIRRO)

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta oo Isniin ah dib loo howlgeliyay xarunta Dhibu Raxma qeybaheeda kala duwan oo kala ah Cilaajka, Qur’aan saarka iyo isku daweynta dhirta.

Maalmihii u dambeeyay xarunta ayaa howlo cilaaji ah waxa ay ka waday magaalada Kismaayo ee Jubbaland, halkaasi oo lagu cilaajiyay dad aad u fara badan, waxayna ka faaideysteen howlaha cilaajka.

Sheekh Dinix Maxamed Dinix oo ku magac dheer (Jini Ceejiye) oo ah shiiqii laga soo gaaray cilaajka ayaa xarunta ka howlgalaya.

Sheekha ayaa Qur’aanka saaraya dadka ay daashadeen xanuunada ruuxiga sida Isha, Xasadka, Sixirka, Jinka, Dabeysha, Umusibiyaanka iyo wixii la mid ah.

Dadka waxaa lagu cilaajinayaa Kitaabka Alle iyo sunada Nabiga (N.N.K.H).

Xarunta waxa ay idinla diyaar tahay Dawooyin ka kooban Todobo saliidood oo lagu burburinayo Shayaadiinta iyo dawooyin lagu qubeysto, kuwa afka laga qaato iyo kuwa jirka la marsado.

Sidoo kale waxaa dib loo casriyeeyay qeybta dawooyinka Herbalka ah, waxaana Dhibu Raxma ay dawooyinka ka keentaa wadamo ay ka mid yihiin China, Malaysia, Yemen, Sacudi Arabia, Masar iyo dalal kale.

Hal ku dhigga Sheekha waa jooji sixirka.

Maalmaha khamiista iyo Jimcaha xarunta waxaa ka howlgalaya Sheekh C/qaadir Arqam oo ah dhaqtarka caruurta iyo Dr. Cusmaan Hargeysa oo isna ku takhasusay daweynta xanuuno ay ka mid yihiin baabasiirka, Galaha, Caada-wareerka.

Dhibu Raxma waxa ay magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ku leedahay xarumo kala duwan, waxaana howlaha cilaajka ay ka soconayaan xarunta Sheekh Cali Suufi ee degmada Hodan.

Fiiri gaar ah labada maalmood ee ugu horeysa Howlaha Qur’aan saarku waa lacag la’aan, waxaana hada socda qaadashada kaararka.

Hadaba horey u gaar isdiiwaan-gelintu waxa ay ka socotaa xarunta Sheekh Cali Suufi, Wixii faah faahin ah kala xiriir:- 0616335400/0619323313.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2018/01/Wareysi-Dinix.mp3?_=1

Exit mobile version