Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Xamar Jajab iyo Deyniile oo ku Tartamay Tartanka Degmooyinka

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa galabta Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ku tartamay Degmooyinka Deyniile iyo Xamar Jajab oo Labaduba ku yaala gobolka Banaadir.

Shirkadda Cabitaanada COCA COLA ayaa taaba galineysa tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala sanadkan ay qabaneyso.

Degmooyinka Xamar Jajab iyo Deyniile ayaa galabta waxa ay soo bandhigeen tartan aad uheersareeya, waxaana degmo kasta sida caadada aheyd la weydiiyay 6 su’aal.

Degmada Deyniile ayaa galabta waxa ay guul ka gaartay degmada Xamar Jajab kadib markii ay ku adkaatay Deyniile ay keensatay 9 dhibcood halka Xamar Jajab dhankeenadana ay la timid 3 dhibcood.

Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar ayaa ugu dambeyn waxa uu ku dhawaaqay natiijada taranka udhaxeeyay degmooyinka Deyniile iyo Xamar Jajab.

Beri oo Sabti ah Bisha Ramadaan ay noqon doonta Insha Allah 13 ayaa waxaa tartami doona Degmooyinka Waaberi iyo Shangaani.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/06/Cod-Natiijo-17-06-16.mp3?_=1
Exit mobile version