Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa waxa ay howlgallo ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe.
Waxaana uu howlgalka yahay mid lagu xaqiijinayo amaanka gobolka Shabeelaha Dhexe.
Howlgalka ayaa waxa uu ka socdaa deegaano dhowaan ay ciidamada dowladda kala wareegeen ururka Al-shabaab.
Gudoomiyaha degmada Aadan-yabaal Maxamuud Sheekh Xasan oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdsiho ayaa waxa uu sheegay howlgalka hada socda in uu qorshihiisa yahay sidii Al-shabaab looga sifeyn lahaa degmada Aadan-yabaal.
Xaalada guud ee degmada Aadan-yabaal ayaa saakay xaaladeeda waxa ay tahay mid degan.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa dhowaan waxa ay ururka Al-shabaab kala wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.
