Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO:- Xaalada degmada Qoryooleey oo Saakay degan ka dib dagaal Xalay ka dhacay

Waxaa saakay degan xaalada degmada Qoryooleey ee gobolka Sh/Hoose ka dib dagaalo xalay ka dhacay degmadaasi.

Dagaalkii xalay ka dhacay degmada Qoryooleey ayaa u dhaxeeyay Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay inuu socday saacado badan, waxaana dagaalkaasi ka dhacay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Idaacada Risaala u sheegay in saakay ay Xaalada degan tahay isla markaana aysan jirin wax dagaal ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/07/dagaalka-qoryooleey.mp3?_=1
Exit mobile version