Beledweyne-RisaalaFM- Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Wasiirada maanta gaaray magaalada Baledweyne ayaa waxaa ka mid ah wasiirka arimaha gudaha dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo sidoo kale wasiirka amniga dowladda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed.
Maamulka gobolka Hiiraan iyo sidoo saraakisha dowladda ee gobolka ayaa garoonka Baledweyne kusoo dhaweeyey wasiirada Maanta gaaray halkaas.
Wasiirada ayaa kormeer ku tagay deegaanka ee Ceel Jaale oo ay kunool yihiin dadkii ka barakacay fatahaada webiga Shabeelle.
Ujeeda safarkooda ayaa lagu sheegay qiimeynta xaalada guud ee dadkii ka barakacay Baledweyne iyo sidoo kale amba qaadida nabadeynta beelo dhawaan ku dagaalamay Baledweyne.
