Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Wasiirka cusub ee Caafimaadka oo balan qaaday inuu la imaanaayo waxqabad

Wasiirka Cusub ee Wasaarada Caafimadka Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xaaji C/nuur ayaa sheegay in isbedel dhanka hormarka uu ku sameynayo Wasaarada Caafimaadka xilli shalay uu la Wareegay Wasaarada Caafimaadka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in uu wadatashi la sameynayo masuuliyiinta kale ee wasaarada isla markaana uu ku dadaalayo in uu la yimaado isbedel wanaagsan.

Waxa uu tilmaamay in uu sii dhaqan gelinayo heshiisyadii ay saxiixday Wasiiradii hore ee Caafimaadka isla markaana uu halkeeda ka sii wadayo howsha.

Dhawaan ayay ahayd markii Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya uu Maxamed Xaaji C/nuur u magacaabay Wasiirka Cusub ee Wasaarada Caafimadka Xukuumada Soomaaliya.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/07/Cod-Wasiirka-caafimaadka.mp3?_=1

 

Exit mobile version