Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Wasaarada Haweenka “Haweenka waa in ay helaan Qoondadii loogu talagalay”

Muqdisho-RisaalaFM- Wafdi ka socda dowladda Faderaalka ee Soomaaliya oo ay hogaaminayso Wasiirka Haweenka iyo Xaquuqda Aadanaha ee dowladda Soomaaliya Sahro Cali Samatar oo shalay gaaray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa waxa ay sheegtay in muhiim ay tahay in Haweenka ay helaan 30% Qoondada ay ku leeyihiin Dowladda cusub ee soo socota.

Wasiirka Haweenka dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay sidoo kale sheegtay in meel walba ay utagi doonto sidii Haweenka Soomaaliyeed ay ku heli lahaayeen Qoondadooda ku aadan dowladda Soo socota.

Waxa ay sheegtay in ay kulamo la qaadan doonto Waxgaradka soo xulaya xildhibaanada cusub, iyadoo kala hadli doonto sidii Haweenka Soomaaliyeed loo siin lahaa Qoondada ay ku leeyihiin dowladda soo socta.

Wasiirada ayaa sheegtay in ay lagama maarmaan tahay in ay dhamaan dhinacyada Siyaasada oo dhan ay tixgaliyaan heshiiskii Madasha Wadatashiga oo ay aqbalaan in Haweenka lasoo galiyo labada Aqal ee Hoose iyo Sare ee dowladda Faderaalka Soomaaliya.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/07/cod-haween.mp3?_=1
Exit mobile version