Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Wasaarada Amniga oo faah faahin ka bixisay amaro lagu soo rogay Hotelada Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Wasaarada amniga dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxa ay ka hadashay hadalkii dhowaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya kaas oo ku aadanaa shirar aysan ogeyn wasaaradda amniga in aan lagu qaban karin Hotelada magaalada Muqdisho.

Dhowaan siyaasiinta qaar ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa waxa ay hadal hayeen hadalka ka soo baxaya dowladda Soomaaliya oo ahaa shirarka Hotelada Muqdisho lagu qabanyo in la ogeysiiyo wasaaradda amniga.

Wasaarada amniga Soomaaliya ayaa hadalkaasi jawaab ka bixisay waxaana ay sheegtay in hadalkaaas si qaldan loo fasiray uusan aheyn in shirar Muqdisho aan lagu qaban karin balse uu ahaa shirarka Muqdisho lagu qabanayo in lala socod siiyo Wasaaradda amniga si looga hortago falalka amni daro ee mararka qaar ka dhaca Hoteelada.

Wasaaradda amniga dowladda Soomaaliya si ay faah faahin arintaasi uga bixiso waxa ay shir jaraaid ku qabatay magaalada Muqdisho waxaana warbaahinta la hadlay Afhayeenka Wasaarada amniga C/kaamil Macalin Shukri.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/07/Cod-Dubad-1.mp3?_=1

 

Exit mobile version