Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Warta-nabadda iyo Awdhiigle oo ku tartamay Tartanka Degmooyinka Risaala

Muqdisho-RisaalaFM- Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa galabta waxa uu ahaa mid la bilaawayay wareegiisa Labaad, waxaana galabta ku tartamay Degmada Warta-nabadda oo ka socota gobolka Banaadir iyo Awdhiigle oo ka socota gobolka Shabeelaha Hoose.

Shirkadda Cabitaanada COCA COLA ayaa taaba galineysa tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala.

Degmooyinka Awdhiigle iyo Warta-nabadd ayaa galabta waxa ay soo bandhigeen tartan aad uheersareeya, waxaana degmo kasta sida caadada aheyd la weydiiyay 6 su’aal.

Degmada Awdhiigle ayaa galabta waxa ay guul ka gaartay degmada Warta-nabadda kadib markii 9 iyo 2 ay uga adkaatay.

Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar ayaa ugu dambeyn waxa uu ku dhawaaqay natiijada taranka udhaxeeyay degmooyinka Awdhiigle iyo Warta-nabadda.

Maalinta beri ah oo Bisha Ramadaan ay noqon doonto 10 hadii uu Alle idmo ayaa waxaa Tartami doona Degmooyinka Afgooye iyo Dharkiinley.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/06/Cod-Natiijo.mp3?_=1

 

Exit mobile version