Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO WAREYSI: Wasaaradda Amniga K/Galbeed oo sheegtay inaan la caburinin siyaasiyiinta

Wasiiru Dowlada Wasaraadda Amniga ee Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir C/raxmaan Cali oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aan wax caburin ah aan lagu heynin siyaasiyiinta ka soo jeeda degaanada Koonfur Galbeed.

C/qaadir C/raxmaan Cali ayaa dhanka kale sheegay in ay jiraan shaqsiyaad gaar ah oo maamulka bartilmaameysanyo, kuwaasi oo uu sheegay in ay caqabad ku yihiin hormarka ka socda degaanada Koonfur Galbeed.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/10/Wareysi.mp3?_=1
Exit mobile version