Maamulada Somaliland iyo Khaatuma oo bilooyinkii u dambeeyay heshiiskooda uu ahaa mid aan sidaa u wanaagsaneyn ayaa waxa ay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya kulan ay ku yeesheen ku kala saxiixdeen ilaa 11 Qodob.
Labada dhinac ayaa isla meel dhigay qodobo dhowr ah, waxaana qodobada ay muujinayaan isku biiritaan dhab ah iyadoo ay sheegeen inay si wada jir ah ula dagaalami doonaan cidii ka hor timaada qodobada ay ku heshiiyeen.
Wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha Maamulka Khaatuma Abshir C/casiis Sheekh ayaa Idaacadda Risaala heshiiskaasi labada dhinac ay gaareen uga waramay.
