Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO WAREYSI: Madaxweynaha oo la kulmay xildhibaanada Galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo howlo shaqo u jooga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kulankan oo socday saacad iyo wax ka badan ayaa waxaa looga hadlay xiisada siyaasadeed ee ka taagan degaanada Galmudug, taasi oo u dhaxeysa Madaxda Maamulka iyo xildhibaanada oo laba u kala qeybsamay.

Xildhibaan Yuusuf Axmed Ciyow oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in Madaxweynaha ay kala hadleen xilkaqaadistii ay ku sameeyeen Madaxweyne (Xaaf) iyo wadada ay u mareen, wuxuuna tilmaamay inuu jiri doono kulan kale oo isku soo laabasho ah.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/11/Xildhiban-maxamed-yuusuf-ciiyow.mp3?_=1
Exit mobile version