Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO WAREYSI: Ku saabsan xiisad ka taagan Garbahaarey

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo xarunta Gobolka Gedo ee Garbahaarey waxaa maanta halkaasi ka taagan xiisad u dhaxeysa Ciidamo Millitari ah oo sida la sheegay la wareegay dhamaan xarumhii Maamulka ee Degmada Garbahaarey iyo Ciidamo uu wato Gudoomiyaha Degmada Garbahaarey.

Ciidamada Millitariga ah ayaa dhowaan waxa ay la wareegeen Magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo, waxaana la sheegay in uu hogaaminayo korneel ka tirsan Ciidamada Millitariga Soomaaliyeed oo loagu magacaabo Iimaan Cadow Kaarshe sida uu Risaala u sheegay Gudoomiyaha Garbahaarey Nuur Maxamed Buraale.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/01/WAREYSI-GARBAHAREEY-NUUR-SHEIKH-MOHAMED-BURAALE.mp3?_=1
Exit mobile version