Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO WAREYSI: Ku saabsan Banaanbax ka dhacay Wadajir

Ganacsatada suuqa weyn ee Degmada Wadajr ayaa maanta waxa ay dhigeen Banaanbax ay uga cabanayeen dil shalay suuqaasi ka dhacay.

Banaanabaxan oo si gaar ah uga dhacay suuqa weyn ee Degmada Wadajir ayaa shacabka iyo Ganacstada suuqaasi waxa ay ka banaanbaxeen dil Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda uu shalay u geystay Labo Qof oo shacab ah.

Shacabka Banaanbaxa dhigayay ayaa waxa ay xireen wadooyinka soo gala suuqa, waxaana ay sheegeen in Banaanbaxa aysan joojin doonin ilaa laga cadaalada laga horkeenayo Askariga dilka geystay.

Mid ka mid ah Dadka Banaanbaxa dhigayay oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay in ay ka soo horjeedaan falka uu geystay Askarigaasi.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/12/Cod-banaanbax.mp3?_=1
Exit mobile version