Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan xoolo ka badan labo kun oo Neef oo ay sheegeen in ay ka dhaceen Xarakada Al-Shabaab dad xoolo dhaqato ah oo ku sugan Galbeedka Magaalada Kismaayo.
Jubbaland ayaa sheegay in dad Xoolo dhaqata ah ay Al-Shabaab ay ka dhaceen xoolihii ay haysteen ka dib markii ay diideen in ay bixiyaan waxa ay Al-Shabaab ugu yeeraan Zakawaadka.
Afhayeenka Laamaha amniga Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Maxamuud Axmed Carab oo u waramay idaacadda Risaala ayaa sheegay in ciidanka Maamulka Jubbaland ay gurmad u fidiyeen dadka shacabka ah ee Al-Shabaab dagaalka kula jira ee ku sugan degaanada ku yaalla Galbeedka Magaalada Kismaaayo.
