Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Gudoomiyaha Beledweyne oo ka warbixiyay socdaalkii Madaxweynaha

Gudoomiyaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Maxamed Cabdi Cusmaan Khalaafow ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay gaaristii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay magaalada Beledweyne.

Gudoomiye Khalaafow ayaa sidoo kale sheegay in safarka madaxweynaha ay ku wehlinayaan wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, xildhibaano iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Khalaafow ayaa waxaa uu timaamay in socdaalka madaxweynaha dib saxaafada looga soo sheegi doono wixii kasoo baxa kulamada ay yeelanyaan, iyadoo madaxweynaha si heer saroah loogu soo dhaweeyay xarunta gobolka Hiiraan.

Halkaan ka Dhageyso wareysiga Gudoomiyaha magaalada Beledweyne Xuseen Mcalin Qalaafow

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/02/Wareysi-Gudoomiyaha-Baladweyne.mp3?_=1
Exit mobile version