Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta berri yeelanaya kalfadhigooda labaad.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa xaqiijiyay kulanka Baarlamaanka Soomaaliya maalinta berri ah ay yeelan doonaan.
Kulanka ay yeelan doonaan xildhibaanada Labada Aqal ayaa waxaa lagu magacaabi doonaa Guddiyo ka shaqeeya xarrimaha Doorashada iyo xilliga ay dhaceyso Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha.
