Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Warbixin ku saabsan qaabkii loo dhisay ururka SYL

Dal walbo oo dunida ku yaalla waxa uu leeyahay Munaasabado u gaar ah oo laga xuso Dalkaasi.

15 May waxay Ummada Soomaaliyeed u tahay maalin qiimo weyn ugu fadhidaa, isla markaana kaalin weyn ku leh dhalashadii iyo hanashadii xorriyada ummadda  Soomaaliyeed ay hanatey sanadkii 1960-kii.

Sanadkii 1943 Bishii May ayay ahayd markii dhalinyaro Soomaaliyeed ay dareemeen dhibaatooyinka gumeysiga ka dibna ay si geesinimo leh ugu dhawaaqeen ururkii SYL.

Fikrad kasta oo keenta horumar waxaa bilaaba qof ama koox. Fikradda lagu Aas Aasay Ururkii SYL waxaa hormuud iyo hawlwadeenba ka ahaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo mudan in si gaar ah loo xuso, isla markaana lahaa dareen wadaniyad ah oo ku dheehan tahay Soomaalinimo.

C/qaadir Sheekh Saqaawudiin iyo Yaasiin Xaaji Cismaan ayaa la sheegay in ay lahaayeen fikradii lagu aas aasay Ururkii SYL.

Labadaas nin ee dhalinyarada ahaa waxay waxay mudo ka sheekaysanayeen sidii gumaystaha looga Xureyn laha waxaana C/qadir Sheekh Sakhaawadiin uu soo jeediyey fikir ahaa in la aasaaso xisbsi Islaami ah oo dadka mideeya, isla markaana ka saara guumaysiga, laakin Yaasin Xaaji Cismaan ayaa wuxuu soo jeediyey fikir kale oo ahaa in xisbiga laga dhigo mid siyaasi ah oo shacabka oo dhan matala.

Suufi Xaaji Shiikheey oo ka mid ahaa dadkii joogay xilligii la Aas Aasaayay Ururkii ayaa Idaacada Risaala ugu warbixiyay qiimaha Maalintaan ay bulshada soomaaliyeed u leedahay.

Dhalinyaradaasi ayaa aas’aasay ururkii SYL sanadkii 1943-dii ka dib markii ay ka dhiidhiyeen hagardaamooyinka gumeysiga,  waxayna nasiib u yeesheen in halganki ururki SYL uu sabab u noqdo in dalkeena Soomaaliya uu madaxbanaani buuxdo qaato sanadkii 1960-kii.

Sidoo kale Dhalinyaradaasi ayaa Muwaadin walbo oo soomaali ah ugu tageen dhaxal aan duugoobin iyo taariikh aan marnaba ka tirmeyn quluubta ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh oo meel Fagaaro ah kula hadlay Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa sheegay in dhalinyarada laga doonayo iney dhistaan dalkooda isla markaana ay ka shaqeeyaan hormarintiisa.

Hadaba akhristayaasha  sharafta leh waxaan halkaan idiin kugu soo gudbineynaa Magacyada 13 dhalinyaro iyo deegaanada ay ku kala dhasheen.

  1. C/qaadir Sheekh Saqaawadiin. Waxa uu ku dhashay Degmada Tiyeeglow ee ka tirsan Gobolka Bakool.
  2. Max’ed Xirsi Nuur (Siidii), waxa uu ku dhashay Magaalada Mareeg oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.
  3. Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke , waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug.
  4. Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed waxa uu ku dhashay Gobolka Banaadir.
  5. Cismaan Geedi Raage, waxa uu ku dhashay Gobolka Banaadir.
  6. Dheere Xaaji Dheere. Waxa uu ku dhashay Gobolka Banaadir.
  7. Daahir Xaaji Cusmaan. Waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.
  8. Cali Xasan Maslax waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.
  9. Maxamed Cali Nuur, waxa uu ku dhashay Degmada Shangaani oo ka tirsan Gobolka Banaadir.
  10. Maxamed Faarax Hilowle waxa uu ku dhashay Mareeg oo ka tirsan Gobolka Galgaduud sanadkii 1925kii.
  11. Xaaji Maxamed C/llaahi (Xayeesi), Waxa uu ku dhashay gobolka Banaadir.
  12. Huudoow Macallin Cabdulle waxa uu ku dhashay Mareerey oo ka tirsan Gobolka Sh/Hoose.
  13. Maxamed Cusmaan Baarbe waxa uu ku dhashay Magaalada Baardheere oo ka tirsan Gobolka Gedo.

W/D:- Axmed Cabdi Cali

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/05/Warbixinta-Xuska-15-May-iyo-Axmed-Cabdi-Cali-.mp3?_=1

 

 

Exit mobile version