Marka la eego hadalada xanafta leh ee ka soo baxaya masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay muujinaysaa taasi in dowladda Soomaaliya ay sii fogaynayso Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee qaarkood ka tirsan dowladda, qaarna aanan ka tirsaneyn, kuwaasi oo dhaliilsan hanaanka maamulka ee dowladda iminka talada haysa.
Dabayaaqadii Bishii September, ayey aheyd markii Madaxweyne Farmaajo uu Siyaasiyiinta ku tilmaamay Siyaasiyiin xanaaqsan oo dadka niyad jabinayana, ugana sheekeynaya fashilka dowladda iyo meelaha ay ka liidato, isaga oo shacabka ugu baaqay inaysan dhageysan Siyaasiyiinta xanaaqsan.
Halkaan hoose ka dhageyso warbixin warkaan ku saabsan oo uu wariyaha Idaacadda Risaala Faysal Cabdullaahi Maxamuud (Faysal Hanad) uu inooga diyaariyay.

