Muqdisho-RisaalaFM- Suuqyada magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa si aad ah looga dareemayaa diyaar garowga maalinta Ciidul Fidriga, maadaama waqti yar ay inaga xigto.
Goobaha mashquulka badan uu ka jiro ayaa waxaa ka mid ah goobaha lagu ciibiyo Dharka, Kabaha, Qalabka caruurat ay ku cayaaraan iyo Macmacaanka.
Suuqyada magaalada Muqdihso ayaa waxaad ku arkeysaa xilligan waalidiin fara badan, kuwaasi oo soo kaxeeyay caruurtooda si ay ugu soo iibiyaan dharka Ciida.
Cali Xasan Cali oo ka tirsan warbaahinta Risaala ayaa ino diyaariyay warbixin la xiriirta Diyaar garowga Ciida.
