Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Warbaahinta Norway oo wax ka qortay Mahad Abiib

Norway-RisaalaFM- TV-yada iyo Journalada Norway ayaa aad u hadal hayay waxna ka qoray xaalada Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Mahad Abiib oo sharciga ay kala noqotay Dowladda Norway, kadib go’aan ay gaartay Maxkamadda Darajada koowaad.

Mahad Abiib Maxamuud ayay Dowladda Norway ku eedeysay in uu ka been sheegay kiiskiisa magangelyo doonka ah, waqtigii uu imaanayay wadanka Norway, iyaga oo ku adkeystay in uu ka yimid Jabuuti oo uusan ka imaan Soomaaliya.

Mahad Abiib Maxamuud ayaa keenay cadeymo ka yimid Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Mudane Cali Fiqi.

Qoraalkan cusub oo xiisaha leh ayaa ah mid tilmaamaya in Dowladda Soomaaliya ay Mahad Abiib u dirtay warqad uu dalka dib ugu soo laabanayo, si uu uga mid noqdo shaqaalaha cusub ee Dowladda.

Muwaadinkan Soomaaliyeed ee lagu magaacabo Mahad Abiib ayaa ka hadlay arrinta ay hadal hayaan TV-yada iyo Journalada ka soo baxa Norway, wuxuuna sheegay in uu yahay muwaadin dulman.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/04/cod-mahad-Abiib.mp3?_=1
Exit mobile version