Wararka naga soo gaaraya degaanka Furuqlay oo 25km dhinaca waqooyi Galbeed ka xiga magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in halkaas ay duqeyn ka geysteen diyaarado helikobtarro ah .
Deegaanka Furuqlay ayaa waxaa ka taliyaha Al-Shabaab ,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in duqeynta la beegsaday meel ay Shabaab ku qaadi jiray Canshuuraha.
khasaaraha dhabtaa ee ka dhashay lama oga iyo diyaaraha duqeynta geystay dalka laga leeyahay.
Saraakiisha amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa shalay sheegay duqeyn ay geysteen diyaarado laga leeyahay dalka Maraykanka in lagu dilay 7 sarkaal oo ka tirsan Shabaab.
