Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalidii lagu dilay Yemen

Wakiilo ka socda ururka socdaalka adduunka ee IOM ayaa sheegay in qiyaastii 80 qaxooti ah la soo badbaadiyey, islamarkaana loo qaaday magaalada Xudeyda.

Mucaaradka Xuutiyiinta Yemen ayaa ku eedeeyey isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo inay fuliyeen weerarka.

42 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa la dilay markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay  ku weerartay doon ay saarnaayeen xeebaha dalka Yemen.

Dad ka badbaaday weerarka ayaa sheegay inay u socdeen dalka Sudan, ayaga oo ka baxsanayey dagaallada ka socda dalka Yemen.

Dhaawaca 7 ka mid ah dadkii weerarka ka badbaaday ayaa lagu daweynayaa goobo caafimaad oo ku yaalla magaalada dekadda ah ee Xudeyda.

Isbaheysiga ayaa dhowaanahan duqeymo culus ku waday magaalada Xudeyda, ayaga oo ku eedeeyey mucaaradka shiicada inay hub kasoo geliyaan.

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ayaa sheegtay in ay ka naxday falka lagu xasuuqay Qaxootiga Soomaaliyeed.

Waxaa ay sidoo kale sheegtay in ay baaritaan dheer ay ku sameyn doonto dhacdadaan Xanuunka badan.

Suleymaan Cusmaan Cali oo ka mid ah dadka kunool Sanca ayaa sheegay in xuutiyiintu ay xireen dadkii soo badbaaday.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/03/Cod-Yemen.mp3?_=1
Exit mobile version